|

Ninkii Kooxda Alshabaab u Qaabilsanaa Dilalka Suxufiyiinta oo laga Diiday Rafcaan inuu ka qaato Xukun Dil Toogasho oo lagu Xukumay

Muqdisho 27,March,2016(SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee ciidamada  Soomaaliya ayaa tuurtay racfaan uu horkeenay Xasan Xanafi Xaaji oo hore loogu xukumay xukun dil ah.

XASAN XANAFIXasan Xanafi Xaaji waxaa loo haystay in uu ku lug lahaa dilal hore loogu gaystay weriyayaal dhawra iyo in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda sare ee ciidmada  Somaliya ayaa xukunkan gaadhtay kadib markii Xanafi racfaan hore uga soo qaatay xukun kan oo kale ah oo sedexdii bishan ay ku riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somaliya.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in maxkamaddu ku raacday xukunkii sedexdii bishan ay ku riday eedeysane Xasan Xanafi maxkamadda darajada koowaad kaas oo ahaa dil toogasho ah.

Xasan ayaa lagu sheegaa inuu ahaa ninkii Kooxda Alshabaab u qaabilsanaa dilalka Suxufiyiinta isagoo hore u cadeystay inuu ka dambeeyo dilal loo gaystay Suxufiyiinta Somaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Somaliya.

Comments are closed