|

Ninkii hogaaminayey weerarkii hotel Dayax oo la aqoonsaday (Magaciisa iyo sawirrkiisa)

Muqdisho 27. January 2017 (SDN/QJ):- Warar soo baxaya oo ay baahinayaan qaar ka mid ah idaacadaha gudaha ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninkii hogaaminayey weerarkii maalintii Arbacada lagu qaaday hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Nin magaciisa lagu soo koobay C/raxmaan Fatxi ayaa la sheegayaa inuu hogaaminayey weerarkaas oo galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 30 ruux oo shacab u badan iyo dhaawaca lixdameeyo kale.

C/raxmaan Fatxi ayaa ka mid ahaan jiray Ciidamada maamulka Juballand oo uu ka baxsaday ka dib markii uu magaalada Kismaayo ku dilay sanad ka hor Taliyihii ciidamada nabad sugida Juballand Ciise Kaambooni oo uu ilaaladiisa ka mid ahaa.

Wararka ayaa sheegaya C/raxmaan Fatxi uu ahaa ninkii waday gaariga xamuulka ahaa ee bilowgii weerarka isku qarxiyey albaabka hotelka Dayax.

Qaraxaas ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhacay magaalada, isagoo burbur baaxad leh geystay.

Qarax ka dibn shan nin oo hubeysan kana tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u gashay hotelka, kuwaasoo intaan la tooganin ka hor mudo saacado ah la dagaalamy ciidamada amaanka iyo ilaalada hotelka.

Comments are closed