|

Ninkii fuliyay Weerarkii Stockholm oo la aqoonsaday & Wararkii ugu dambeeyay DAAWO/SAWIRO

Stockholm 08. April 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada Sirdoonka dalka Sweden ee loo yaqaan marka magacooda la soo gaabiyo (Säpo) ayaa shaaciyay inay gacanta ku hayaan waliba ay garteen shaqsigii fuliyay weerarkii gaariga xamuulka ah loo adeegsaday ee shalay galab ka dhacay caasimada dalka Sweden ee Stockholm .

Ninka weerarkaan fuliyay ayaa asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Usbekistan waxaana lagu sheegay in uu yahay 39-jir xiriir hoose la lahaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamada Ciraaq iyo Siiriya .

Wasiirka Arimaha gudaha dalka Sweden Mr.Andres Ygeman ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan xuduudaha dalka Sweden Cir iyo dhulba si aysan u baxsan ragii la ogaa weerarka ninka la hayo ee su´aalaha la weeydiinayo .

Dhanka kale Shirkadii iska leheed gaarigii xamuulka ahaa ee weerarka loo adeegsaday ayaa waxa ay shaacisay in gaariga si ula kac ah looga soo xaday ka dib markii Ninkii darawalka ka ahaa uu wax yar ku mashquulay alaab uu ka dajinayay qeybta dambe ee gaariga .

Comments are closed