|

Ninkii Dunida ugu Da’ada weynaa oo geeriyooday iyo ruuxa haatan ugu cimriga dheer

New York Sept 16,2013(SDN)-Ninka Dunida ugu cimriga dheer ayaa dalka Mareykanka ayaa dhawaan geeriyooday ka dib boqol iyo dhawr iyo toban sanadood oo uu caalamkan ku noolaa.

Salustiano Sanchez-Blazquez ayaa cimrigiisu ahaa 116 waxaanu ku noolaa magaalada degaanka Grand Island oo ku taal gobolka New York.

Salustiano Sanchez-Blazquez ayaa waxa uu dhashay sanadii 1901dii waxaanu ku dhashay magaalada El Tejado de Bejar oo ku taal dalka Spain.

Waxaanu dalka Cuba u guuray sanadii 1920kii dalka Mareykanka oo uu ka shaqeeyay godadka macdanta laga baaro

Afhayeenka qoyska uu ka baxay ninkan dunida ugu weynaa ayaan saxaafada siin wax war ah oo ku saabsan geerida.

Ninkan ayaa cimrigiisa dheer sheegay in uu ku gaaray in uu maalin walba cuni jiray xabad muus ah,inana uu dhalay ayaase sheegtay in sirta cimigiisu aheyd madax adeyg.

Waxa haatan la sheegay in ruuxa dunida ugu weyni ay tahay haweeney ku nool dalka Japan oo da’adeedu tahay 115 sanadood.

Iyada oo Ninka dunida ugu weyni ku nool yahay dalka Talyaaniga da;adiisuna tahay 111 sanadood.

Salustiano Sanchez-Blazquez ayaa dunida uga dagay gabar iyo wiil uu dhalay oo da;doodu kala tahay 69 iyo 76 jir.

sidoo kale waxa uu ka tegay 24 ubada oo isugu jira 2 uu dhalay 7 ay sii dhaleen iyo 15 ay iyana sii dhaleen.

Dadka da’adoodu ka weyn tahay qarniga ayaa waxa aad ugu badan haweenka oo 90% ah.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed