|

‘’Ninka Yidhi Jaad baan Qasab Ku Joojinayaa Waa Mid aan Waxba Ogayn’’ Cali Guray

Hargaysa 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ninka yidhi Jaad baan qasab ku joojinayaa waa mid aan waxba ogayn. Ingiriiskii iyo Taliskii Siyaad Barre wixii ka qabsaday hadii ay ogyihiin may tidhaahadeen Xukuumadda Muqdisho waan joojiyay.

cali-gurayWaayo aragnimada aynu u leenahay baa inoo sheegaysa inay been tahay. Haday joojin karaan oo ay kaga rumeeyaan kutubta Caligurey guba weligay wax aan sheego oo dambena ha iga rumaysanina. Ciidankii Xooga Dalka la odhan jiray waxa burburay jaadka markii uu Siyaad Barre joojiyay. Nasiib wanaag kuwani ciidan uu ka burburiyo ma laha. Hadii dayuuradaha la diido dhulka ayuu soo mari doonaa wadadiisana isaga ayaa furan isaga oon cidna baryin weliba Isaga ayaa noqon taliyaha ugu sareeya ee ciidan oo dhami ay salaanta siin doonan.

Bal idinku isku eega jaadka iyo ka yidhi waan joojiyay kooda been sheega. Anigu waxan leeyahay jaadku been sheegi maayo hadii uu yidhaa la ima joojin karo eh ninka yidhi waan joojiyay baa beenaale ah. Xiligii Ingiriiska wuxu gaadhay baabuurka lagu qabto in badda lagu tuuro. Hadana markuu ka quustay wuu iskaga hadhay. Markaa jaadku laguma joojin karo waan joojiyay lakiin caqli kale hadii la keeno waa la xadidi karaa waxana ugu muhiimsan dhaqaalaha oo la kobciyo oo shaqo Abuurka la baday oo dadka ay camal la’aantu u geyso ay shaqo helaan intii shaqaysan karaysaa ma haliili doonto waana waayo aragnimo la tijaabiyay. Dadka jaadka tafaariiqeeyaa iyaguna waa dad ay duruuftu ku keliftay qof dumar ah oo qoyskeedu meel kale dakhli ka heli karaa maalin oo dhan bacadka may fadhideen ee dan baa dhigtay inta ay caruur ku soo koriyeen ee jamacadaha ay kaga saareen ama hadaba waxbarta ee ku barta waxa yar ee hooyadii ay habeenkii la soo hoyato aad bay u badan yihiin. Markaa nin dhergay iyo wadaad yar oo wahaabi ahi hadii ay joojin karayaan AHLAN WA SAHLAN ha joojiyaan hadii ay karayaan ma kari karaan eh.

Comments are closed