|

“Ninka Somaliland wax ka sokeeya wadoow adeer iska daa’ Talada Dadkan.”Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland kula taliyey inay Ummadda ka daayaan Khilaafaadka, si looga baaqsado Mushkilado amni daro oo Dalku waajaho.
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Ninka Maanta ku baaqaya in Dadka Qabaa’il loo kala fadhiisiyo, oo Reero laga sheekeeyaa wuu dhacay, oo maaha kii sii wada karayey ee loo baahnaa. Wuxuu doono ha ahaado ee Ninka Maanta doonaya inuu sameeyo Xisbi reereed waxaanu leenahay habeen maad jirin, Somaliland-na sidaa kuma shaqeynayso. Ninka intan soo kala gur-gurayoow meel madhan baa haysaa, Waayo? Waxaynu Xisbiyada u samaysanay inaynu kaga maarano in reer Walba dhiniciisa goosto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Ninka Somaliland wax ka sokeeya wadoow adeer iska daa’ Talada Dadkan.”

Comments are closed