“Ninka Qudha ee Heer Qaran ah ee Guri Kiro ah ku Jira ayaan ahay, Baashe waa loo wadaa, Saleebaan Wuu Ku Jiraa, Muuse Biixi wuu….”Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa:Nov,17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Beeniyey Aqal la sheegay inay xukuumaddu u dhisayso, maadaama maalmahan dambe ay jirto saaxiibtinimo hoose oo Guddoomiyaha iyo Xukuumadda dhex taallaa.
Guddoomiye Faysal oo saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inaanu jirin in dhul xukuumaddu siinaysaa, waxana uu carrabka ku dhuftay inuu ku jiro aqal kiro ah.
Faysal cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu xukuumadda ku leeyahay Dhul uu ku lahaa Garoonka Diyaaradda oo xadka garoonku soo galay, waxana uu xusay in dhulkaas aanu weli beddelkiisii helin,
“Anigu dhul aan 1997-kii iibsaday oo Garoonka Diyaaraduhu galay ayaan ilaa iyo haatan la ii beddelin, waana aad ogtahay dhul anigu ma lihi, waxana la I yidhi marka xayndaabka garoonka la sameeyo ayaa laguu beddelayaa, meel baa hadda la yidhi waa lagu siinayaa, meeshiina ciidamadaa yeeshay, markaa inaan dhulkaygii dhul iigu beddela idhaahdo mooyaane imika wax la iidhisayaa ma jirto.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali waraabe oo ka waabayey su’aal ahayd in Xukuumaddu siinayso Aqal abaalmarin ah, ayaa arrintaas Beeniyey, waxase uu daaha ka fayday Aqal si hoose loogu dhisay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo haatan noqday Shaabuug xukuumaddu ku garaacdo Guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka Hadlaya,
“Cabdiraxmaan waa loo dhisay, Baashe waa loo wadaa, Muuse Biixi wuu ku jiraa Siilaanyo wuu ku jiraa, Saleebaan Wuu ku jiraa. Ninka Qudha ee Heer Qaran ah ee guri kiro ah ku jiraan ayaan ahay.”
Faysal cali waraabe oo la weydiiyey su’aal la xidhiidhay sababta uu uga aamusan yahay arrimaha Dalka ka taagan iyo khilaafyada jira ayaa sheegay inuu ku hawllan yahay demintooda, isla-markaana aanu cidna eedda saaraynin haatan.
SDN/QJ