Nin uu Soddog u ahaa Usaama Bin Laden oo lagu qabtay Jordan, haatana Maxkamad lagu saarayo New York
New York March, 07 2013 (SDN/NBC)- Sulaiman Abu Ghaith oo uu sodog u ahaa hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacida Osaama Bin Laden, ayaa lagu qabtay dalka Jordan, sida uu ku waramay Telefishanka NBC News ee dalka Maraykanka.
Sulaiman Abu Ghaith oo ah kusimaha afhayeenka Al-Qaacida, waxa loo wareejiyay magaalada New York, halkaasoo maxkamad lagu horgayn doonto Jimcaha, si uu u waajaho eedaymo ku xidhiidhan argagixiso, siday masuuliyiin dhawr ah oo Maraykanka ka tirsani Khamiistii u sheegeen NBC News.
Mr. Abu Ghaith waxa uu 2001 ka muuqday cajalad muuqaal ah oo uu ku weheliyay soddogii Osama Bin Laden, taasoo ahayd tii ay ku qaadeen masuuliyada weeraradii Sept.11,2001 lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka.
“Waxaan ku amaanayaa CIA iyo FB I-dayada, wakiilada Jordan iyo Madaxweyne Obama, qabashadooda afhayeenka Al-Qaacida Sulaiman Abu Ghaith,” ayuu yidhi xildhibaan Peter King oo ka tirsan Guddiga Amniga Gudaha, siday NBC ku warantay.
Ka hor intii aan loo gudbin Maraykanka, ninkan waxa la iskaga gudbiyay Turkiga, Kuwait iyo Jordan.
Telefishanka oo soo xiganaya weriyahooda Jordan Moufaq Khatib, masuuliyiin aan la magacaabin oo Turki ahi waxay sheegeen in masuuliyiinta dalkaasi ay Mr. Ghaith ku qabteen gudaha caasimadda Turkiga ee Ankara, iyadoo maxkamad ku taala halkaasi ay qaraarisay inuu dalkeeda si sharci-darro ah ugu soo galay baasaboor been-abuur ah. Ka dib, dawladda Turkigu waxay sida muuqata u mastaafurisay dalkiisa uu ku dhashay ee Kuwait, iyadoo loo habeeyay inuu si socoto ah ugu sii gudbo gudaha Jordan, halkaasoo caadiyan lagu xidhay.
Qurbejoog.com, New York