Nin u dhashay Sacuudiga oo ku dhaqaaqay talaabo yaab leh oo sababtay in xabsiga la dhigo
Riyadh 18. December 2016 (SDN/QJ):-Nin u dhashay dalka Saudi Arabia ayaa ka yaabiyey shacabka wadankaas ka dib markii uu shaaciyey inuu iibinayo wiil yar oo uu Aabe u yahay.
Sheekadan oo si weyn ay u Hadal-heysay warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa ninkani wuxuu doonayey inuu wiilkiisa ku iibiyo qiimo lacageed oo dhan 20 milyan oo dollar.
Saud bin Nasser Al-Shahry ayaa xayeysiinta wiilka uu iska iibinayo soo dhigay bartiisa Facebook, isagoo sheegay in cidii daneyneysa ay isaga la soo xiriirto.
Sababta uu u iibinayo wiilkiisa ayuu ku sheegay Saud bin Nasser Al-Shahry inuu yahay qof sabool sidaas darteed uu doonayo inuu helo 20 milyan oo dollars, si marka laga iibsado wiilkiisa uu lacag badan u helo.
Dowladda Saudi Arabia ayaa la sheegay iney ninkan xabsiga dhigtay ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga dalkaas oo mamnuucaya in la iibiyo caruurta.
Sacuudiga ayaan laga aqoon in la kala iibsado caruurta, waxaana shacabka dalkaas aad uga yaabiyey dalabka ninkan uu ku doonayey in looga iibsado wiilkiisa, iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen qof maskaxiyan aan degenayn.