Nin u dhashay dalka Eritrea oo Maxkamad Maraykan ah u qirtay inuu gacan siiyay Al-Shabaab
Washington 14, June 2012 (Qurbejoog.com/GPost)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka, ayaa dambi u heshay nin u dhashay dalka Eritrea, kaasoo qirtay in kooxda Al-Shabab ay tabobar Milateri siisay.
Ninkan oo la yidhaahdo Mohamed Ibrahim oo 38 jir ahi, waxa uu u dhashay dalka Eritrea, wuxuuna si buuxda u degenaa dalka Sweden, ka hor intii aan bishii November 2009 lagu xidhin dalka Nigeria, afar bilood ka horna loo gudbin dalka Maraykanka, si loogu qaado eedaymo Argagixisonimo, siday ku warantay Reuters.
Waxa laga yaabaa inuu waajaho 10 sannadood oo xukun xabsi ah, marka la xukumo bisha November.
Laakiin, siday BBC sheegtay ninkani waxa uu Arbacadii qirtay dambiga loo haysto oo ah inuu 2009 u socdaalay Soomaaliya, si uu xero ay Al-Shabaab leedahay ugu soo barto fikradaha iyo sida loo rakibo bambooyinka qaraxyada loo adeegsado. Sidoo kale, wuxuu qirtay inuu hub iyo 3000 kun oo lacagta Euro ah, una dhiganta $3,769 doolar ku caawiyay kooxdaas oo horaantii sannadkan si rasmi ah ula midawday shabakadda Al-Qaacida, isla markaana dagaal ku wada dawladda ay Qaramada Midoobay taageerayso ee Soomaaliya iyo ciidanka Nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.
Xeer-ilaaliye Maraykan ah oo la yidhaahdo Preet Bharara, waxa uu qoraal uu soosaaray ku sheegay in Mohamed Ibrahim Ahmed uu socdaal dheer u galay oo uu ka tegay gurigiisii Sweden, si uu u tago Soomaaliya, iyadoo sababtu tahay inuu ka qaybqaato hawlaha abaabulka Aragixisonimo ee Al-Shabaab wado.
Qurbejoog.com, Washington