Nin U Dalxiis Tagey Dalka Masar Oo Qudha Ka Jaray Maamulihii Hudheelkii Uu Ku Degay !
Qaahira 15. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arrimaha debada ee Dalka Italy ayaa xaqiijisay inay daba taagan tahay nin u dhashay dalka Talyaaniga oo u dalxiis tagay Dalka Masar isla markaasina qudha ka jaray ninkii haystay hudheelkii uu ku degay, kaasi oo ahaa muwaadin u dhashay Dalka Masar.
Telefishanka Dalka Italy ayaa waxa uu shaaciyay in khilaafka labadan Nin uu ka bilaabmay markii uu ninka dalxiisku uu maamulihii hudheelku ka joojiyay inuu dabaasho, maamulaha oo magaciisa la odhan jiray Daariq Axmed Cabdilxamiid ayaa ninkan dalxiiska ahi uu ka xannaaqay diidamadaasi, balse waxa uu Daariq u sheegay in xilliyo gaar ah la dabaasho xilligana aan la ogolayn inay dadka dalxiisayaasha ahi ku dabaashaan badda gaar ahaan xilliyada galinka dambe, Ninkan talyaaniga ah oo la yidhaahdo Leonardo Ivan Pascal ayaa waxa uu markiiba ku bilaabay gacan ka hadal waxanu ninkii Masriga ahaa ee hudheelka maamulayay u geystay dhaawacyo culus oo uu ka kici waayay sidaana uu ugu qudh baxay isla goobtii.
Ciidanka ammaanka ee dalkaasi Masar ayaa isla markiiba gacanta ku dhigay Leonardo waxaanay sheegtay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, dhacdadan ayaa waxay ka dhacday magaalada Musri Calam ee ku taalla gobolka Badda cas ee Dalkaasi Masar.