|

Nin Taageera Al Shabaab oo lagu xukumay dalka Maraykanka

Washington April 20 2013 (SDN)– 26-jirkaan lagu magacaabo Randy Lamar Wilson,una dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu taageerayay Ururka Al-shabaab oo xariir dhow la leh Al-Qaa’ida.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inuu qirtay Ninkaan,islamarkaana Maalintii shalay ahayd uu wajahay Xukun Maxkamdeed oo gaaraya 15-sano.Qaadiga Maxkamadii Riday Xukunka Randy Lamar Wilson, Kristi DuBose ayaa cadeeyay inuu Xukunka uu dhacay kadib markii ay heleen cadeemo weyn.Wilsom ayaa la xiray Bishii Decembar,isagoo xilligaasi doonayay inuu ka duulo Airportka Atlanta,isagoo doonayay inuu booqdo qoyskiisa oo ku nool dalka Mauritania.

Danbi oogayaasha ayaa shaqsigan ku eedeeyay inuu xariir wanaagsan uu la lahaa Muwaadin Mareykanka ka soo jeeda ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab ee lagu magacaabo Abuu Mansur Al-Amriki.

Dowlada Mareykanka ayaa inta badan dacwado ku soo oogtay shaqsiyaadka ay kaga shakiso inay taageeraan Ururada xariirka la leh Al-shabaab.

Comments are closed