Nin Soomaaliya oo Mareykanka lagu maxkamadeynayo oo qirtay in uu Shabaabka gacan siiyay
Minneapolis Feb 02,2012(qurbejoog.com)-Xeer ilaalinta Mareykanka ayaa nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay denbi la xidhiidha argegixso ku qanciyay in uu qirto denbiga si markaa looga dhimo mudada uu xabsiga ku jiri doono.
Axmed Xuseen Maxamuud ayaa goaankan uu gaadhay aan weli la shaacin waxa uu salka ku hayo ama sida uu u saameyn doono dacwdan loo heysto.
Xaakim Michel Davis oo dacwadan dhegeysanaya ayaa maalinta Isniinta ee inagu soo fool leh u qoondeeyay in Axmed uu fursad u helo bedelaada sheegashadiisii hore ee aheyd in aanu denbigaa gelin.
Axmed Xuseen oo 27 jir ah ayaa lagu soo oogay denbiyo la xishiisha gacan siinta Kooxda Al Shabaab oo dalka Mareykanka ka qoran Argegixiso.
Bishii July mar uu Axmed hor tagay xaakimka maxkamada waxa uux dhaafiyay dad fara badan oo qabay in aanu denbigan lagu soo eedeeyay gelin.
Axmed ayaa ka mid ahaa 20 ruux oo loo heysto in ay gacan ka geysteen in dhalin yaro Soomaali ah oo ka tegay magaalada Minneapolis si ay ugu biiraan kooxda Al Shabaab.
QurbejoogMinneapolis
contact@somalodaisporanews.com