|

Nin Soomaali ah oo Paris ku xaniban ka dib kolkii maxkamadi ku weydey Burcad-badeednimo

Paris Dec 23,2011(qurbejoog.com)-Nin Soomaali ah oo kaluumeyste ahaa oo ciidamada Faransiisku ka soo qabteen baddaha Soomaaliya ayaa maxkamadu ku weydey in uu xidhiidh la leeyahay Burcad-badeednimo.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilahi Axmed Geele oo 36 jir aj ayay maxkamadi bishNovember goaamisay in aanu aheyn Burcad-badeed.

Ninkan oo rag dhawr ahaa ay soo qabteen ciidamada Faransiiska ka dib kolkii ciidamadu weerareen doon ay Burcadu ku heysatay badweynta ayaa ragii lala qabtay xabsiga la dhigay.

Dacwed oogayaasha Faransiiska ayaa dalbanaya in ragan dib loo maxkamadeeyo bacdamaa xukuno dabacsani ku dheceen.

Balse iminka waxa uu Kaluumeystahani ku xaniban yahay magaalada Paris oo aanu cidna ka gadhaneyn.

Ninkan oo iminka ku nool mid ka mid ah aqalada la siiyo dadka aan dekhliga badan helin ayaan ku noqon kareyn Soomaaliya oo uu naftiisa u baqanayo.

 

Qurbejoog-Paris

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed