|

Nin Soomaali ah oo Mareykanka xadhig dheer ku muteystay in uu la dhcsanaa Bin Ladin

San Antonio July 27,2013(SDN)-Xeer ilaanlinta dawlada dhexe ee Mareykanka ayaa sheecisay nin Soomaali ah oo taagersan in la laayo dadka aan Mulimka aheyn ku riday xukun dheer.

Waxa ay xeer ilalintu sheegtay in Cabdulaahi Cumar Fidse oo 29 jir ah in lagu helay denbiyada kala ah in uu ishortaagay baaritaan denbi iyo in uu been u sheegay hay’ada soogelooyiga Mareykanka.

Maxbuuska iyo iyo Haweeney la socotay ayaa lagu qabtay magaalo ku taal xadka Gobolka Texas sanadii 2008dii.

Baaritaano lagu sameeyay intii ay gacanta uu ku jirayna waxa lagu ogaaday in uu aaminsanaa hogaaminta hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden.

Isla markaana uu qabay in la laayo dadka aan Musiliinta aheyn,sida ay xeer ilaalintu dacwda ku soo bandhigtay.

Cabdulaahi ayay Maxkamadu ku riday Xukun Sideed Sanadooda,halka Haweeneydii lala qabtay cafis lagu sii daayay.

SDN-San Antonio
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed