|

Nin Soomaali ah oo khalkhal geliyay amniga xafiiska Raiisul wasaaraha Canada

Ottawa Oct 19,2013(SDN)-Nin Soomaali ah ayaa lagu soo oogay in uu hadalo dhiilo xambaarsan ka dhex yiri daarta uu xafiiska Ku leeyahay Raiisul wasaaraha dalka Canada Stephen Harper.

Ninkan oo 45 jir ah Lana yiraahdo Maxamuud Jimcaale shandad shaki abuurtay la galay xadiiska raiisul wasaaraha

Ciidamada amaanka ayaa baaritaan ka dib dib u faray xafiiska iyo wadkoyinka Ku xeeran saacado ka dib.

Booliisku ma cadeyn in walxo qarxaahi Ku jireen shandada ninku watay waxaase ay sheegeen in Maxamuud Jimcaale lagu soo oogi doono Ku dhawaaqid hadalo dhiilo xanbaarsan iyo qalalaase abuurid.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inta aan ni,kan Soomaaliga ah la maxkamadeyn la eegi doono xaaladiisa caafimaad.

Maxamuud Jimcaale ayaa boolisku sheegeen in uu Ku noolaa magaalada Toronto isla markaana aaney cadeyn sababta uu Ottawa

SDN-Ottawa

conact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed