Nin Soomaali ah oo Booliska UK ay ugu dabo jireen arrimo Argegixisonimo la xiriira oo baxsaday
London Nov 05,2013(SDN)-Sirdoonka UK ayaa ku fashilmay dabagal ay ku sameynayeen nin Soomaali ah oo dalkaa ku nool oo looga shakisanaa argegixisonimo.
Maxamed Axmed Maxamed oo sirdoonka UK la xiriiriyeen kooxda Al Shabaab ayaa ciidamo dusha kala socday dhaqdhaqaaqiisa ayaa ka siibtay ka dib kolkii uu xidhay xijaabka haweenka ee Burka loo yaqaano.
Maxamed ayaa sirdoonka ka siibtay ka dib kolkii maalinimadii Jimcaha salaada ku tukaday masjid ku yaal magaalada London,ka dibna uu ku soo baxay Burka.
Dawlada Britain ayaa sheegtay in ay ninkan dusha kala socotay ka dib kolkii ay cadaatay in aaney heynin cadeymo ku filan in denbi lagu soo oogay.
Mucaaridka dalka UK ayaa si ba’an dawlada ugu weeraray baxsadka niaanka,
Maxam,ed ayaa la shaaciyay uu la soo tabababrtay kooxda Al Shabaab isla markaana ay dhici kareyso in uu hubeysan yahau.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com