|

Nin Soomaali Ah Oo 50 Sanno Macallin Ahaa

Hargeysa,5Oct,2015(QJ/SDN)- Iyadoo maanta oo ah 5ta Octoober la xusayo maalinta caalamiga ah ee macallimiinta adduunka, ayaa waxaa sannad kasta la sameeyaa olole lagu taageerayo macallimiinta sidii ay xagga tacliinta uga dhisi lahaayeen ardayda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO ayaa ku tilmaantay muhiimadda maalintan in ay tahay wacyigelin iyo faham guud oo la xidhiidha kaalinta uu macallinku kaga jiro Bulshada.

Ismaaciil Cali Faarax oo loo yaqaanno (ismaaciil dhubbato) wuxuu ahaa macallim 50kii sano ee ugu danbeeyay, haddana waa gudoomiyaha waxbarashada ee Bariga gobolka Hargeysa. Ismaaciil dhubbato oo u warramayaayay BBC’da ayaa isagoo ka hadlaya maalinta macallinka adduunka yidhi sidan ‘’ cid weliba maalin bay yeelatay maanta waa maalintayadii, waxaanan ku xusayaa qiimaha uu macallinku leeyahay, qiimaha uu leeyahay waxa ka mid ah dadka aanu soo saarno,..’’ Macallin dhubbato waxa uu sheegay in uu wax soo baray dad badan oo maanta wasiiro ka ah guud ahaan deegaanada soomaalida sida Somaliland iyo Soomaaliya.

Macallin dhubbato ayaa mar wax laga weydiiyay muddadii uu macallinka ahaa wixii ugu laga yaabka badnaa ee la kulmi waxa uu yidhi ’’waxa iigu la yaab badnaa markaan arkay inankii aan wax u dhigaayay oo wasiir ah oo qaar madaxweynayaal iyo ku xigeeno ah, oo maayaro noqdeen, ayaan anigu isku khashuucay oo aan is idhi waxaad ahayd warshad ilaahay soomaalida u keenay…’’

Ugu danbeyntii, macallinka Soomaaliyeed ayaan xuquuq dhammeystiran helin tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed