Nin Soomaali ah iyo Wiil uu dhalay oo Maxkamad Mareykanka ku taala ay ku heshay denbiyo la xiriira ka ganacsiga maandooriye
Louisville Sept 04,2013(SDN)-Nin Soomaali ah iyo wiil uu dhalay ayay maxkamadi ku heshay denbiyo ay kala ah in ay dheceen barnaamij dadka saboolka ah lagy gacan qabta,iibiyeen maandooriyaha qaadka iyo dawooyin ay tahy in ogolaansho dhakhtar aad heysato.
Dawlada Mareykanka ayaa ku soo oogtay Cabdala Xaaji Sufi iyo wiil uu dhalay Maxamed in ay ka lunsadeen Barnaamij gacan qabad ah oo loogu talo galay dadka saboolka ah aduun dhan $6 million oo dollar.
Cabdala oo meherad ku heystay magaalada Louivile ayaa barnamijkan loo yaqaano Food stamps dadka lacago ugu bedeli jiray,halka uu qudhiisu dakhliga soo gala hoos u dhigay si uu gacan qabadkan uu u helo.
Wiilka iyo Abihii ayaa denbiyadan qirtay oo sheegay in ka ganacsan jireen dawooyinka
oxycodone and hydrocodone oo ah qaar loo qaato xanuunka saaidka ah.
Cabdala Xaaji Sufi ayaa qirtay in uu dukaankiisa ku sarifi jiray lacagaha isla markaana sanadkii ina dhaafay sarifay $6.6 million oo dolar.
Wiilkan iyo aabihii ayaa Mareykanka ka baxsaday sanadkii hore ka dib kolkii denbiyadan lagu soo oogay.
Ciidamada FBIda ayaa dib gaanta ugu dhigtay mar ay labadan nin Mareykanka dib ugu soo noqdeen.
Maxkamada ayaa Cabdala fartay in uu ddib u soo celiyo lacag dhan $119 00 oo dollar,isla markaana uu iska iloobo lacag dhan $25,000 dollar oo laga helay dukaankiisa Hana.
Maxmada ayaa Cabdala XaajiSuufi ku ridau xarig lix billod ah oo uu xabsi ku qaadan doono iyo lix bilood oo uu xabsi guri ku qaadan doono,halka wiilka uu dhalayna la sii daayay.
SDN-Louivile