Nin Somalia ah oo ka Mid ahaa Dablaydii Weerartay Xarunta Ganacsiga West gate oo la aqoonsaday
Nairobi 07.October 2013 (SDN)- Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada iyo magacyada labo nin oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii argagixisada ee Westgate ee magaalada Nairobi.
Labada nin ayaa kala ah Cabdiqaadir Xareed Muxumad oo ku magac-dheer Muxumad Xuseen. Waa Soomaali Kiinyaan si fiican ugu hadla luuqadda Kiswahiliga, kana soo jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi-bari.
Ninka kale ayaa lagu sheegay magaciisa Aadan Deeq oo ku magac-dheer Xuseen Cabdi Cali. Wuxuu ka soo jeedaa Soomaaliya, waxa uuna ku hadlaa Kiswahili jajaban.
Madaxa booliska Kenya David Kimaiyo ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo dhan $5,727 oo la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta xarigga labada eedeysane.
Labada eedeysane waxaa loo haystaa inay kooxdii argagixisada gaari ku geeyeen gudaha xarunta dukaamada Westgate.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com