|

NinĀ  Somali ah oo Degen Waddanka Hindiya oo uu Weriye Cabdi Salaan Hereri Waraysi La Yaab Leh la Yeeshay+ Ninkii Somaliga ahaa oo u Baahday Turjubaan & Qofkii u Turjumayay oo ah Hindi DAAWO

Hyderabad 12. April 2017 (SDN/QJ):- Weriye CabdiSalaan Ibraahin Hereri oo Ka Hawl gala Telefishanka Universal ayaa waxa uu Dalka Hindiya ka soo diyaariyey barnaamijyo ka Waramaya Waxyaabaha ay Somalida iyo Hindidu iska shabahaan dhaqan ahaan iyo af ahaanba.

Xuseen Somali waa Oday Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland waxa uu ku dhashay,Ku Koray ku barbaaray Kuna Guursaday dalka Hindiya, Xuseen Somali Awowgii oo Ka Mid ahaa Ciidankii Ingiriiska ayaa Hindiya tagay Hindiya Sannadku markuu ahaa 1856 kii.

Waxaa awowgii la Odhan Jiray Nuur Axmed Magan waxaana laga soo qaaday Deegaanka Gatiitalay ee Gobolka Daad Madheedh amase Oodweyne, Xuseen ku hadalka Luuqada Soomaligu way ku adag tahay sidaas darteed ayuu Weriye Cabdi Salaan Hereri ugu baahday Cid u Turjunta Wada Sheekaysigooda ,arrinta Cajiibka ahi waxay Tahay in Turjubaankii uu noqday Nin Hindi ah Hooyadiina Yemen ka soo Jeedo oo Luuqada Somaliga ku wanaagsan maadaama uu Mudo dheer deganaa Magaaladda Hargaysa oo aabihii ka Shaqayn Jiray Baanki Somalia ee Hargaysa.

Waxyaabaha Xiisaha leh ee barnaamijka Ku Jira waxaa ka mid ah in Xuseen Somali uu dusha ka hayo abtirsiintiisa Isla markaana uu Ubadkiisa baray.

Comments are closed