|

Nin Si Weyn u Hubaysan Oo Afar Kamid ahaa Askarta Maraykanka Qudha Kaga Jaray Magaalada Chattanoga

Chattanoga:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Magaalada Chattanoga ee Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu gelinkii dambe ee maalintii shalay qudha kaga jaray afar kamid ahaa ciidamadda Badda Maraykanka, isla-markaana tiro kale dhaawacyo gaadhsiiyey.

chatNinkan weerarka gaystay waxaa magaciisa lagu sheegay Mohammad Youssuf Abdulazeez, kaasoo u dhashay dalka Kuwait, laakiin haystay dhalashada dalka Mareykanka. Ciidamada ayaa toogasho ku dilay Mohammad Youssuf, intii is rasaasayntu socotay.

Duqa Magaalada Chattanooga, Andy Berke, ayaa xaqiijiyay Xoogaga Booliska inay toogasho ku dileen ninkii weerarka soo qaaday. Waxaana socdo baadhitaano la xidhiidha in ninkaasi uu xidhiidh la leeyahay Ururka Daacish iyo in kale.

Mohammad oo sanado badan ku noollaa dalka Mareykanka, ayaa ka qalin jebiyay Jaamacadda Tennessee. Laamaha ammaanku waxay sheegeen xilligii uu weerarka gaysanaayay in uu ka yimid Magaalada Hixson, oo ood wadaag la ah Chattanooga. Ninkaasi waxaa da’diisa lagu sheegay 24 sano jir.

Hay’adaha amniga Mareykanka, ayaa ninkaasi waxay horaantii sanadkan ay ku xidheen Magaalada Chattanooga, ka dib markii la soo qabtay isagoo gaadhi kaxeynaaya, soo qabashadiisuna waxay ka dambeysay tuhun la xidhiidha samaynta khamriga.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa weerarkaasi waxa uu ku sheegay mid qalbi jab ah, isla-markaana uu ninka weerarka gaystay u muuqday mid keligii ahaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed