|

Nin Sheegtay in Mareykanka uu u sheegay aqalkii uu Osama Bin Laden ku dhuumaaleysanay balse aan abaal marin la siin

Detroit Nov 02,2013(SDN)-Nin heysta dhalashada dalka Mareykanka balse ka soo jeeda dalka Masar ayaa saxaafada u soo bandhigay sheegasho uu leeyahay waxaan ahaa ruuxii Mareykanka u sheegayhalka Bin Laden uu ku dhuumaaleysanayay mudada dheer.

Tom Lee ayaa sheegay in FBI-da Mareykanka uu 2003dii u sheegay halka Bin Ladin uu kaga dhuumaaleysanayo Pakistaan.

Lee waxa uu sheegay in aanu garaneyn sababta Mareykanka ay wax tilaabo ah uga qaadi waayeen mudadaa sideeda sanadood ah.

Mareykanka ayaa hore u balan qaaday 25 million oo dollar cidii soo sheegtay halka Bin Laden ku dhuumaaleysanayo.

Tom Lee ayaa sheegay in mar uu Pakistaan u tegay ganacsi uu la kulmay askari ka tirsan sirdoonka Pakistaan oo u sheegay in ay Osama ka soo kexeeyeen Afgaanistaan.

Sarkaalkan Pakistaaniga ah ayaa u sheegay in Lee in uu ka soo horjeeday Al Qaacida uuna doonayay in la qabto.

Mareykanka ayaan ilaa haatan ka hadal sheegashada ninkan dalbanaya abaal marintan.

SDN-Detroit
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed