Nin Ruush Ah Oo Madaar Ku Iloobay Lacag Badan Oo Dollar Ah !
Moscow 03. August 2017 (SDN/QJ):- Waa arrin aad u yar in qof dhoofaya uu isku aamino inuu shandad weyn oo uu ku safrayo inuu ku rito lacag dhan 33kun oo dollar, waxaaba taasi ka sii darran inuu iloobo.
Haddaba, Nin u dhashay Dalka Ruushka oo ka dhoofayey madaarka magaalada Moscow ayaa shandadiisii uu dharka ku sitay ku riday lacag dhan $33,000 isla markaana waxa uu ku iloobay shandadii gegadii diyaaradaha ee uu ka dhoofayay, mid ka mid ah shaqalaaha diyaaradaha ayaa waxa uu gaadhsiiyay ciidanka inuu shandadaasi ka dhex helay diyaarada waxa aanu u sheegay inay raadiyaan ciddii lahayd.
Intaasi kadib ciidammada ayaa isku dayay inay helaan ninkii shandadu ka luntay waxaana la xaqiijiyay in shandadani ay ka luntay nin da’diisu tahay 59 jir waxaanu ku barraarugay teleefankii ay ciidammadu u direen, sidaasi awgeedna waxa si toos ah gacanta looga galiyay hantidiisii oo dhameystiran.