Nin reer Britain ah oo argegixiso loo heysto oo sheegay in lagu jir dilay Kenya
Mombasa Feb 22,2012(somalidiasporanews.com)-Qareenka nin Kenya loogu hayo falal argegixiso ka dib kolkii lagu qabtay walxo qarxa ayaa saxaafada u sheegay in la garaacay si uu u qirto denbigaas.
Chacha Mwita oo ah qareenka Jermaine Grant oo ciidamada amaanka Kenya xabsiga ku hayaan isaga iyo nin kale ayaa sheegay in la garaacay kolkii la qabtay bishii December ee sanadkii hore.
Grant ayaa lagu riday xukun sadexsanadooda ka dib kolkii lagu soo oogay in uu been u sheegay saraakiisha ciidamada,in uu Kenya ku galay si sharci daro ah iyo in uu heystay walxaha qarxa.
Kenya ayaa Grant ku eedeysay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda Al Shabaab ee ciidamadeedu kula dagaalamayaan guddaha dalka Soomaaliya.
Qareenka dawlada Kenya ayaa sheegay in aanu la socon wax xadgudub ah oo loo geystay Mr Grant,balse uu baaritaan ku sameyn doono sheegashadan cusub.
Somalidasporanews-Mombasa
contact@somalidiasporanews.com