|

Nin Rayid ah oo Xalay Lagu Toogtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose

BASTOLADMarka : August 13, 2013 –(SDN)Kooxo Hubaysan  oo aan Haybtooda la Aqoonsan,ayaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose Habeenkii xalay ku toogtay Nin rayid, iyadoo Magaaladaasina Bandoo Iskeed ah Gashay kadib markii Dadkii joogay Aqaladoodka ku wada yaaceen.

Ninkan xalay lagu dilay Magaalada Marka ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu si hoose waayahan dambe ula shaqeyn jiray ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada Faderaalka.

 

Kooxihii dilka geystay ayaa lagu soo waramayaa inay baxsadeen, iyadoo dhinaca kalena ay goobta soo gaadheen ciidamada dowlada oo iyagu meydka ninkaasi meesha ka qaaday.

 

Isla Magaalada Marka ayaa bam gacmeed  xalay waxaa lagu weeraray fadhiisin ay ciidamada dowlada ku lahaayeen gudaha magaalada Marka, lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa bamkaasi lagu tuuray ciidamada.

Magaalada Marka oo ka mid ahayd meelaha ugu degen maalmihii la soo dhaaay, ayaa haatan waxa soo food-saaray shacabkii Deggenaa cabsi dheeri ah, waxana laga dareemayaa kala shaki iyo baqdin ka muuqata dadka shacabka ah.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed