Nin Meydkiisa Laga Helay Jidka U Dhexeeya Berbera iyo Hargeysa Isagoo Geed Kasoo Deldelnaa iyo Cid Aqoonsata Oo La Raadinayo
Xamaas:April,11,2015(SDN/QJ)-Meydka nin Deldelan, ayaa laga helay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Goob ku dhaw Tuulada Xamaas oo ku taalla Gudaha Gobolka Saaxil.
Ninkan oo aan wali la aqoonsan, ayaa shalay meydkiisa la helay isagoo ka laalaada Geed jidka laamiga dhinaciisa ku yaalla oo la aaminsan yahay inuu isagu iska soo deldelay.
Ninka Meydka ah, ayaa da’diisa lagu qiyaasay 50 jir, waxana wali aan la Haynin cid si gaar ah u aqoonsata, marka laga reebo in la ogaaday inuu yahay soomaali.
Ciidanka Boliska oo dadkii arkay ugu yeedheen, ayaa Meydka meeshaas ka qaaday, waxana ay geeyeen Cisbitaalka Magaalada Berbera, iyadoo la raadinayo cid aqoonsata.
Is deldelaadda, ayaa ah arrin aan ku Badnayn Gudaha somaliland, waxana inta Badan dhaqankan ku dhaqaaqa tiro yar oo dadka kamid ah, iyadoo inta Badanna caqiidada islaamku aanay ogolayn in qofku naftiisa dilo.
SDN/QJ