Nin Maskaxda ka Xanuunsanaya oo Tuulo Sallaxley ka Tirsan ku Dilay Hal Qof Laba Kalena ku dhaawacay
Hargeysa, 18 Feb 2015 (SDN/QJ)- Hal qof oo dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen kadib markii nin uu rasaaseeyay shalay dad makhaayad fadhiyaTuulada Kaam Tuug ee Degmada Sallaxley.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dadka ugu soo galay goob Maqaaxi ah oo ay xiligaa ay ka Shaahaynayeen, isla markaana markuu soo galay uu rasaas ku furay .
Shilkaa waxa ku dhintay nin lagu magacaabo Xasan Cali Mataan, isla markaana waxa ku dhaawacmay laba nin oo kale oo magacyadooda lagu sheegay, Abshir C.laahi Shaqale iyo Sulub Axmed Ibraahin. Labada nin ee dhaawacmay ayaa la soo gaadhsiiyay degmada Sallaxley siduu Qurbejoog.com u Xaqiijiyay Agaasimaha Cisbitaalka Sallaxley Jawhar Sheekh Cali. Warku waxa uu intaa ku daray in dhaawaca isla shalay galaba loo soo qaaday dhinaca Hargaysa si loogu dabiibo.
Hargaysa SDN/QJ