Nin Mareykanka Jaamacad dad ku laayay mar kale
Santa Monica June 08,2013(SDN)-Magaalada Santa Monica ayaa wadooyinkeeda mar qura la dareemay xabado la is weydaarsanayo ka dib kolkii nin hubeysani uu rasaas la dhacay dad wadooyinka magaaladaasi maraya.
Ninkan ayaa la sheegay in uu gawaari ka dhacay dhawr ruux oo uu toogtay ka dibna waxa uu ninkaasi galay jaamacad halkaa ku taal.
Booliska oo kolkii ay soo gaareen goobtii uu ninkaasi ku dhuumanayay oo aheyd Jaamacada maktabadeeda ayaa waxa ay halkaa isku weydaarsadeen rasaas.
Booliska ayaa toogasho ku dilay ninkii hubeysnaa ee rasaasta la dhacayay dadka shacabka ah ee marayay wadooyinka iyo guddaha Jaamacada Santa Monica.
Booliiska ayaa sheegay in ninkani uu dilay afar ruux isla markaana uu dhaawacay dhawr ruux oo caruuri ay ku jirto intii aan isagana la khaarijin.
Ninkan ayaan la shaacin magaciisa waxaase la sheegay in uu yahay nin cadaan ah oo 30 jir ah,ma cada sababta dhabta ah ee ninkani uu u geystay xasuuqan.
Mareykanka ayaa bilihii u danbeeyay ey soo noqnoqdeen toogashooyinka ay geystaan rag hubeysan oo bartilmaansada dadka shcabka ah ee aan waxba galabsan.
SDN-Santa Monica
contact@somalidiasporanews.com