Nin Ku Jiray Ceel Barafoobay Laba Maalmood Oo Ka Soo Baxay Isaga Oo Aan Wax Noqon !
Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Dalka Serbia ayaa gacanta ku dhigay Nin muddo laba maalmood ah ku jiray Ceel barafoobay, Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Azdimar Mailjic ayaa waxa la helay isaga oo bad-qaba oo aanay dhibaato soo gaadhin.
Ciidammadii gacanta ku soo dhigay Ninkan isla markaana badbaadiyay ayaa waxay cadeeyeen in Heerkulka Ceelkasi uu ahaa mid ka hooseeyay 20, Ninkan ayaa ceelka ku dhacay isaga oo ka yimi meel suuq ah oo uu ka soo adeeganayay, waxaanu halkaasi ku jiray 52 saacadood ah.
Ciidammada Dalka Serbia ayaa uga digay Dadka ku nool Dalkaasi inay aad isku ilaaliyaan iyada Qabawga Dalkaasi uu kor u sii kacayo.
Dhakhaatiirta gacanta ku haya Ninkan ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, balse uu u baahanyahay in gacanta lagu hayo muddo yar oo kooban iyada oo laga yaabo in qabwgii badnaa ee uu ku jiray waxyeelay.