|

Nin Ku Eedaysan inuu walaalkii oo ka yar Gawracay oo lagu xidhay Saldhiga magaalada Jawhar

 

jawhJawhar: 25-july-2013(SDN)Ciidamada Ammaannka  dowlada Somalia ee gobolka Sh/dhexe ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu walaalkiis ka yar ku dilay degaanka Gololey ee oo qiyaastii 25km galbeed kaga toosan magaalada Jowhar.

 

Ninkan ayaa la sheeegay in xilligii Gacanta lagu soo dhigayey uu ka isku dayey inuu ka baxsado Deegaanka la sheegay inuu walaalkii ku gawracay ee Galoolay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ninkaas gacan-ku-dhiiglaha ah ay haatan ku soo xidheen saldhiga Booliska magaalada Jowhar ayna marin doonaan ciqaabta sharcigu ka qabo dembiga uu galay.

 

Ninkan la soo xidhay oo dilka walaalkiis u adeegsaday toorey uu dhowr meelood kaga dhuftay ayaa keentay inuu isla goobtaas ugu geeriyoodo dhaawacyadii ka soo gaadhay Toorridii lala dhacay.

 

Dadka degaanka Gololey ayaa sheegay in labada nin ay in muddo ah ku muransanayeen dhaxal uu uga geeriyooday aabahood oo uu si gaar ah ugu takri fali jiray ninka wax dilay, arintaasoo keentay inuu ka dhiidhiyo walaalkiis ka yaraa oo doonayey in la siiyo xaqa uu ku lahaa xoolaha dhaxalka ah ee uu aabahood ka geeriyooday.

 

Somalidiasporanews.com

Jawhar Office.

Comments are closed