Nin ku Caan Baxay inuu Dibida la Dagaalamo oo ugu Danbayntii ku Baxay Geeskii Dibi Dagaal adagi dhex maray!!
Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Nin u dhashay dalka Spain kuna caan baxay in uu la dagaalamo dibida ayaa ugu dambeyn ku dhintay dagaal uu la galay dibi ka mid ah dibida ciyaarta Matador ka loo yaqaano ee dalka Spain ah, xilli Telefishin si toos ah looga daawanayay.
Dibigaasi oo inta uu cadhooday si wanaagsan ula helay geeska birta la moodo ee aadka u fiiqnaa. Victor Barrior, ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanay dalka Spian iyo guud ahaan dalalka adduunka kuna caan baxay in uu la dagaalamo dibida geesaha waaweyn ee dagaalkoodu caanka ka yahay dalka Spain ee lagu yaqaano dalkaasi, waxaana ninkani uu horey uga guulaysan jiray dagaalka uu la galo dibida gaar ahaan kuwooda ugu khatar badan ee la loodin waayo.
Xirfad yahankan ayaa ugu dambeyn dhintay kadib markii dibi uu la dagaalamayay uu feedhaha iyo saableyda ka herdiyay kadibna u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaadhay, waana markii ugu horraysay muddo 20-sano kadib uu dibi dilo qof uu la dagaalamayay dalkaasi Spain oo ciyaarta Dibidu caan ka tahay.
Inta badan ragga dibidda la dagaalama ayaa dhaawacyo culus kala kulma ciyaartaasi adduunka aadka loola yaabo oo ah in dibiga la hor mariyo maro cas oo uu aad u neceb yahay kadibna tuurta warmo laga galiyo.
Waana ciyaar hiddo iyo dhaqan u ah dalkaasi Spain oo halis badan.