|

Nin Kabihisii Oo Dahab Ka Buuxo Kaga Tagey Gegida Diyaaradaha Ee Magaalada Dubai Iyo Sababta Ku Kaliftay !

Dubai 28. March 2017 (SDN/QJ):- Had iyo jeer waxay Dadku aad u ilaashadaan hantidooda haddii ay tahay Lacag iyo haddii ay tahay Dahab, gaar ahaan marka ay Safrayaan, balse toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Nin ka soo jeeday waddamada Asia waxa uu kaga hor tagay Albaabka laga galo Geggida Diyaaradaha ee Dubai Inertnational Airport kabihiisa oo uu Dahab ka buuxo.

Ninkan oo aan ilaa iyo haatan la garanayn Dalka uu ka soo jeedo, balse waxa la xaqiijiyay inuu yahay Dadka ka soo jeeda Qaarada Asia, waxaanay Maxkamadda Danbiyada ee Magaalada Dubai cadaysay inuu Dahabkaasi ka soo Xaday nin uu u shaqayn jiray oo gurigiisu ku yaallo xaafada loo yaqaan Nakhlat Jumiera, waxaanay Maxkamadu cadaysay in Dahabkan Qiimihiisu uu dhan yahay boqol iyo shan Kun oo Dirhamka Imaaraadka ah, taasoo macnaheedu yahay inuu ninkani sitay Dahab dhan 2.6KG.

Sidoo kale, Maxkamadu waxay sheegtay in ninkani uu arrintaasi ku kacay xilli uu ninkii hantiilaha ahaa ku sugnaa dalka debadiisa, waxaanu markii uu ninka hantiilaha ahi dhoofayay ka codsaday in uu Passport-kiisa siiyo si uu isna fasax ugu tago dalkiisa, haddaba markii uu soo qaatay Dahabkii waxa uu aad uga yaabay markii uu soo gaadhay Albaabka laga galo Geggida Diyaaradaha ee Dubai, sida la isku baadhayo oo ku abuurtay Cabsi, taasi oo ku kaliftay in xattaa kabihiisi uu ka soo buuxiyay Dahabka ka tago.

Ciidammada Ammaanka ee Dalkaasi oo qariyay waddanka uu ka soo jeedo ninkani ayaa waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen ninkan, markii uu galay Madaarka isaga oo caggaagan uu haddana dib u soo noqday, arrintaasina ay dhalisay Shaki dhinaca Ammaanka ah, balse markii la sii daba galay la ogaaday inuu yahay Tuug la soo baxsaday hanti Dahab ah oo aad u badan, Waddamada Khaliijka ayaa had iyo jeer waxay dhibaatooyin aad u badan ka soo gaadhaan Shaqaalaha Ajanabiga ah ee ka shaqeeya Guryaha oo badankoodu ka soo jeedaan waddamada Asia.

Comments are closed