|

Nin Isku Qalday Goob Uu Shaqo Ka Raadinayay, Baddalkeedana Gudaha U Galay Meel Aanad Waligaa Jeclaysateen Inaad Gasho

Manchester 27. February 2017 (SDN/QJ):- Shaqo la’aantu waa arrin aad u dhib badan oo aanay jirin shaqsi u dul-qaadan karaa noloshan casriga ah inkasta oo wakhtiyadii hore dadku si kasta oo ay shaqo la’aani u hayso haddana ay ahaayeen kuwo wax uun abuurta oo si uun noloshooda u maareeya, sidaas darteed shaqsi kasta ayaa sameeya tallaabada ugu habboon ee uu isleeyahay waxay kaa caawin kartaa inaad hesho shaqo joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, booliiska Greater Manchester Police ee dalka England ayaa waxay xaqiijiyeen arrin dadka oo dhan ka yaabisay, kadib markii ay daaha ka qaadeen inay xidheen nin qiyaas ahaan 50 sanno jir ah kaasoo yimid xafiiska boliiska isagoo cabsan.

Sababtan ayay sharraxeen booliiska Greater Manchester Police, waxayna sheegeen inuu ninkan cabsani raadinayey in lala yeesho wareysi shaqo oo uu dalbaday, balse halkii uu ka tagi lahaa xafiiskii uu shaqada ka dalbaday ayaa waxa uu taa baddalkeeda yimid saldhigga booliis ee Manchester.

Greater Manchester Police ayaa daaha ka qaaday in ninkani uu dembi galay maadaama isagoo cabsan uu gaadhi waday xilligii uu shaqada raadsanayey uuna si qalad ah u yimid saldhigga boliiska. Iyada oo dambiga ay ku hayaan uu yahay in isaga oo cabsan uu gaadhi waday balse aanay dambi ahayn in uu saldhig is keenay ama mooday meel kale oo uu u socday balse ay tani yaab noqotay.

Dabayaaqadii bishii Januray ee aynu soo dhaafay ayuu ninkaani soo dalbaday shaqadan waxaana la waydiiyey haddii uu u baahan yahay in loo tilmaamo xafiiska uu imanayo xilligaas laakiin wuxuu sheegay wakhtigaasi inuu garanayo beddelkeedana isagoo cabsan oo gaadhi kexeynaaya ayuu galay saldhigga boliiska maalintii uu ballanku ahaa.

Booliska Manchester ayaa sheegay in ninkan haatan dacwad lagu soo oogay isla markaana laga yaabo in muddo hal sanno ah laga joojiyo wadista gawaadhida lana ganaaxo qiimo lacageed dhan 235 ginni. Waxaanay noqotay qiso laga hadalo dalka UK.

Comments are closed