‘’Nin Hulaab Xumi Inuu Wax Qarsanayo ayaa La Moodaa,Waxaa Jira Wax ay Xukuumaddu Qarinayso,Waa Sharci Jebin In Fadhi Wada Jir ah Loo Maro…..’’ Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid DAAWO
Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Xuseen Axmed Caydiid Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada haatana ka Mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Si Qoto dheer uga hadlay Qorshayaal dhagaraysan Sida uu Xusay oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Xalaashanayso Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka ay ka siinayso Magaaladda Berbera,Kaas oo uu Sheegay in Dhaqaalaha uu Imaaraadku ku Bixinayo Iyo Qiimaha uu inagu Joogaa ay kala durugsan Yihiin.
Waxaa kale oo Xuseen Axmed Caydiid Cadeeyay inay Sharci daro noqonayso in Fadhi Labada Gole ee Sharci Dejinta (Guurtida iyo Wakiiladdu) Yeeshaan in lagu ansixiyo bixinta Saldhigaas isagoo xusay in Golaha Wakiiladu yahay Golaha keliya ee Distoorku u fasaxayo ansixinta heshiisyada ay Xukuumaddu gasho Waxaanu intaas ku daray in Fadhiyada Labada Gole ay Ku Xadidan Yihiin Distoorka Qaranka Madaxweynuhuna uu Isugu Yeedhi Karo Marka uu Khudbad Sannadeedkiisa soo Bandhigayo,Ansixinta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare,Maamuus ka Xayuubinta Madaxweynaha amase Ku Xigeenkiisa,Marka Xaalad deg deg ah dalku galo.