Nin Hubaysan Oo Dad Ku Laayey Machad Ku Yaalla Gudaha Dalka Maraykanka
Roseburg:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Ugu Yaraan 13-Qof, ayuu Nin hubeysani ku laayey Machadka Roseburg, gaar ahaan qaybta Sayniska, xilli ay socdeen casharada uu bixiyo Machadku, isagoo sidoo kale halkaas ku dhaawacay 20-Qof oo kale.
Xoogaga ammaanka, ayaa soo gaadhay Machadka ay toogashadu ka dhacday. Boolisku waxay sheegeen in uu dhintay ninkii ardayda laayay.
Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 26 sano jir, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in uu si wanaagsan u garanaayay qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha Machadku.
Goob-joogeyaal, ayaa waxay sheegeen ninkaasi in rasaas aanu u meeldeyin uu ku harqiyay dadkii ku sugnaa dhismaha Machadka, isla-markaana uu u muuqday nin ku soo tala-galay weerarkaasi in uu gaysto.
Laamaha amnigu waxay baadhayaan haddii ay jiraan cid weerarka ninkaasi ku wehlinaysay iyo haddii kalaba ah. Faah faahin badan lagama hayo waxa uu ninkaasi ahaa, balse waxaa suuqa soo gashay warar sheegaya in bogga uu ku leeyahay barraha bulshada, uu ku sheegay in weerar uu gaysan doono.
Booliska, ayaa bilaabay in uu baadho wararka sheegaya in ninkaasi uu Arbacadii uu boggiisu ku sheegay, in uu qaadi doono weerarka uu Khamiistii ka gaystay Gobolka Oregon.
Weerarkan, ayaan waxyeelo ka soo gaadhin xoogaga amniga, sida uu Warbaahinta u sheegay John Hanlin oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Mareykanka.
SDN/QJ