|

Nin Hooyo Iyo Wiilkeed Mindi Qudha Kaga Gooyey Laba Habeen Ka Hor Oo Ciidanka Booliska Muqdisho Loo Gacan Geliyey

Muqdisho:27-Feb-2014 (SDN)-Dhacdo Naxdin leh ayaa Laba Habeen ka Hor ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia, kadib markii uu Nin dhallinyaro ahi Toorray ku Dilay Hooyo iyo Wiilkeedii.

dil-mindiDilkan Naxdinta Leh ayaa ka Dhacay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, waxana Xalay Fiidkii Hore Ciidanka Booliska Loo Gacan Geliyey Gacan-ku-dhiiglihii Arrintan Geystay oo la Soo Qabtay.

Gacan Ku-Dhiiglaha oo lagu magacaabo, Cumar Xasan Warsame ayaa waxaa laga soo qabtay isagoo dhuumaalaysanaya Xaafadaha Toowfiiq iyo Carafaat, waxaana soo qabtay Dad ay Ehel yihiin iyo Dad kale oo ay Deris yihiin.

 

Ciidamada Booliska ee Saldhiga Degmada Yaaqshsiid ayaa lagu wareejiyay, waxaana lagu wadaa in lasoo taago Maxkamadda Rayidka ah ee Gobolka Banaadir.

 

Ninkan ayaa Habeenkii Salaasada ee lasoo dhaafay Toorey ku dilay Hooyo lagu magacaabi jiray Asli Ciise Wardheere iyo Wiilkeedka oo isna lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Jimcaale, kadib markii uu ugu galay Gurigooda Xaafadda Toowfiiq.

 

Hooyada iyo Wiilkeeda la dilay ayaa waxa uu Dilkooda ka dhashay Dagaal dhexmaray Ninka lasoo qabtay Reerkiisa iyo Reerkale kale ee dhibanaaha ah, kuwaasi oo Dagaalkooda salka ku hayay Caruur dagaashay.

Shacabka Reer Muqdisho iyo Ehelladii Marxuumiinta Geeriyooday ayaa si weyn u soo Dhaweeyey In la soo Qabto Ninka Geystay Dilka Noocaas oo kale ah, waxana ay rajaynayaan in Sharciga la Soo Taago.

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed