|

Nin Gacantiisa Ku Qoray Kitaab Qur’aan Ah Oo Dhererkiisu Yahay 700 mitir & Yuhuunta Wanaagsan ee Ka Muuqata

Qaahira 05. May 2017 (SDN/QJ):-Nin reer Masar ah oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo kaddib markii uu saddex sano qorayay Kitaab Qur’aan ah oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan.

Ninkan oo lagu magacaabo Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu qoray Kitaabkan Qur’aanka ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir.

Maxamed oo ku nool magaalada Belqina oo waqooyiga Qaahira ku taalla ayaa ilaa iyo hadda bixiyay wax kaste o ku baxay mashruuciisan. Rajo wayn ayuuna ka leeyahay Kitaabkan.

Wuxuu rumaysan yahay in Kitaaabku uu gali dooni diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records.

Wali diiwaankaas lama galinin Kitaabka quraanka ah ee ugu wayn caalamka ee gacan lagu qoray.

Laakiin si uu rajadiisa uga midho dhaliyo wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo kharashka uu u baahan yahay.

“Dhererka Kitaabkan Qur’aanka ah waa 700 mitir, dabcan waraaqihiisana lacag badan ayaa ku baxday, ayuu ku yidhi Telefishinka wakaaladda wararka ee Reuters.

“Anigaa mashruucan maalgalinayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waaxana ahayn qof iska caadi ah oo ma haysto hanti iyo wax kale toona.

Comments are closed