|

Nin Doonaya magaalo yar oo ku taal Mareykanka in uu ka dhigo degaan Cadaanka uun ay ku nool yihiin

Leith Sept 21,2013(SDN)-Nin Cadaan ah ayaa waxa uu wadaa olole uu Tuulo yar oo ku taal Woqooyiga Dakota mid ay ku noolaan karaan uun dadka midabkoodu cadaanka yahay.

Craig Cobb oo ka mid kooxaha aaminsan in cadaanku ka fadli badan yihiin midabyada kale ayaa la sheega in uu haatan wado dedaal uu ku iibsanayo inta badan aqalada magaaladaas yar ku yaala.

Leith oo ah tuulo ay ku nool yihiin 24 ruux oo qura ayaa hadal heynteedu aad ugu badneynd todobaadkan warbaahinta Mareykanka.

Bobby Harper oo ah ruuxa qura ee madoow ee tuuladan ku nool ayaa sheegay in ay tahay in xaalada haatan ay wax ka qabasho leedahay.

“Hadii la ogeysiiyo arinkan dadka ugu badan ayaa ah fursada qura ee ninkan la isaga qaban karo”ayuu yiri Bobby Harper.

Craig Cobb ayaa qoraalo uu dhigay Internetka waxa uu ugu baaqay dadka midab takoorka aaminsan in ay tuuladaa u soo guuraan oo ay fursada ka faaiideystaan.

“Qorshahan oo ah mid sir ah waa in aynu ka faaiideysano iyada oo aan cid kale loo sheegin,ka warama degaan noo gaar ah oo waxaanu doono aanu ka fushan kareyno,hadii saxaafadu noogu timaadana xabsigaanu dhigi kareynaa”ayuu Craig Cobb ku qoray bog u gaar ah dadka midab takoorka aaminsan.

Ninkan ayaa sidoo kale doonaya in uu noqdo duqa magaaladaasi,balse Ryon Schock oo haatan ah Duqa magaaladaasi ayaa sheegay in ay arinkaa ka diyaar garoobeen.

“Magaaladu waxa ay haatan leedahay lix ruux oo ah gollaha degaanka ee tuulada,hadii uu ninkaasi isku dayo in uu mayor ka noqdo magaaladan,waxaanu kala diri doonaa gollaha degaanka,mana dhici doonto in uu qabsado”ayuu yiri duqa magaalada Leith Ryan Schock.

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee ay kooxaha xag jirka ahi isku dayaan in ay qabsadaan tuulo Mareykanka ku taala.

SDN-Leith
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed