|

Nin Dilay Walaashii Markii Uu Ka Xannaaqay Ciyaarteeda Isaga Oo T.V Daawanaya!

Australia 26. February 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay dalka Australia oo miisaankiisu yahay 98Kg ayaa waxa uu dilay gabadh yar oo Da’deedu aheyd saddex sano, sababta ku kaliftay ayaa lagu sheegay inay aheyd in uu ka xannaaqay ciyaarteeda faraha badan, waxaanay marar dhawr ah hor martay Telefishankii uu daawanayay sida lagu soo bandhigay wargeyska Mirror ee ka soo baxa Dalka Britain .

 

Arrinta aadka u layaabka badan ayaa noqotay in ninkani uu beerka kaga istaagay, waxa kale oo aad u layaab badan in kadib markii uu dilay uu muddo laba sano ah qarinayay meydkeeda, balse uu markii danbe Maxkamadda Vicotria uu ka hor qortay in uu isagu geystay dilkaasi.

Dhakhaatiir baadhay Meydka gabadhaasi yar ayaa waxay cadeeyeen inuu culays aad u badani ka soo gaadhay beerka iyo labada kalyood, tallaabadaasina ay sababtay geerida walaashii.

Comments are closed