Nin Dembiyo Argagixiso Loo Haystay Oo Laga sii Daayey Maxkamad Kenya Ku Taalla
Mombassa:Jan,29,2015(SDN/QJ)-Magaalo xeebeedda Kenya ee Mombasa maxkamad ku taalla ayaa sii daysay Nin Ingiriis ahaa oo loo haystay Dembiyo tiro badan oo uu ka galay Dalka Kenya.
Ninkan oo lagu magacaabo Nermaine Grant, ayaa lagu eedeeyey inuu galay ugu yaraan 9-dambi, waxana la filayey in xukun dheer lagu ridi doono dhawaanahan, balse haatan waa lasii daayey.
Jermaine Grant, ayaa horaantii sanadii 2011 booliska dalka Kenya ee la dagalama Argagixisada bolka Xeebta ah ee dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen, waxana ku socday Baadhitaanno badan.
Markii la xidhayay waxaa lala qabtay Qalab Kiimiko ah iyo budo loo isticmaalo Far-Sameynta Walxaha Qarxa oo uu sitay.
Anastacia Ndungu ayaa usheegtay maxkamada magaalada Mombasa in ninkan ka soo dalka Ingriiska laga tuuray 8 dambi oo loohaysto ,oo ay kujiraan in uu qorsheynayey in uu si maldahan kuhelo muwaadinimada wadanka Kenya.
Hase ahaatee waxaa taagan dacwada Argigixiso oo aanay dowlada wali ka hadal Maxkamadana ka gaabsatay hase ahaatee hadda waa dibad joog, dalkana kama safri karo ilaa mudo aan saxafada loo sheegin oo baadhitaan kale ah.
Sirdoonka dalka Kenya oo wareysi dheer la yeeshay mudada uu xidhnaa ninkan ayaa sheegay inay heleen xog ku aadan in uu mar ku biiray kooxaha argagixiso ee geeska Afrika ka jira, iyagoo ku eedeyay in uu xidhidh dhow la lahaa Richard Ried oo ahaa nin isna doonayay in fal ismiidaamin ah uu ka fuliyo gudaha dalka Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com