Nin Daqiiqadihii Ugu Dambeeyey Ka Badbaaday Xukun Dil Ah Oo Lagu Fulin Lahaa
Missouri 25. August 2017 (SDN/QJ):- Governatooraha gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa baajiyay xukun dil ah oo nin lagu fulin lahaa, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xukunkii lagu riday.
Amarkan ayaa soo baxay saacado yar ka hor markii dilka lagu fulin lahaa Marcellus Williams, oo 48 jir ah kaasoo lagu helay inuu dilay haweeney la oran jiray Felicia Gayle sannadkii 1998.
Qoraal ah oo uu soo saaray Governatooraha ayuu ku sheegay in xukunka dilka ah uu yahay ciqaabta kama dmbaysta ah balse loo baahan in la helo cadaalad dhameystiran oo aan shaki ku jirin.
Qareennadii u doodayay Williams ayaa sheegay in hidda sidaha DNA loo yaqaanno ee laga helay qoriga dilka loo adeegsaday in uusan ahayn kii Williams.
“Si xukun dil ah loo fuliyo waxaa qasab ah in dadka gobolka Missouri ay ku kalsoonaadaan in habka xukunku u dhacay uusan daldalool lahayn. Ayuu tiri barasaab Greitens.
Haddii uu saacado soo daahi lahaa amarka uu Gafarnatooruhu ku joojiyay, irbadda dadka lagu dilo ee Lethal loo yaqaanno ayaa lagu mudi lahaa Marcellus.
Qareenka gobolka ayaa ku dooday in inkastoo aan qoriga laga helin hidda sidaha ama DNA-da Marcellus haddana inay ku filan tahay markhaatiyadii ay fureen dadkii goobjooga ahaa, sidaasna xukunka dilka ah loogu riday.