Nin Cudur Halis ah Qaba Oo Lagu Qabtay Somaliland Gudaheeda
Hargaisa:Agu,14,2014(SDN/QJ)-Nin u dhashay dalka Ethiopia oo la sheegay inuu qabo xanuun halis ah oo la is qaadsiiyo ayaa laga mustaafuriyey Somaliland.
Ninkan la mustaafuriyey ayaa la sheegay inuu qabo xanuunka Juudaanka loo yaqaanno, waxana uu dalka ku sugnaa ugu yaraan laba maalmood sida dadkii xaaladiisa la socday sheegeen.
Ninkan oo lagu magacaabo Mohamed A. Ali oo kasoo jeeda qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa waxaa uu qabaa cudurka Juudaanka ee qofkii uu haleelo googoo’o xubnahiisa, waxaana ninkan uu kasoo baxsaday xero lagu karantiimo dadka qaba cudurka Juudaanka.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf “Maxamed Cambaro”, ayaa sheegay inay dib ugu mustaafuriyeen ninkan Itoobiya oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo.
Wasaaradda caafimaadka iyo laanta socdaalka Somaliland ayaa waxaa tilmaamay in ninkani soo galay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ku wargeliyay mid ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo abaal marin aan la shaacin la guddoon siiyay.
Waxa inta Badan Somaliland soo gala dad kasoo yaacay dhinaca Ethiopia, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan, balse way adagtahay in xukuumaddu ay gacanta ku dhigto dadkan halista ku haya nolosha Bulshada inteeda kale.
SDN/QJ