|

Nin Buur Aad U Dheer Dusheeda U Badalay Baar & Beer ay Bulshadu Ku Raaxaysato !

Morocco 09. May 2017 (SDN/QJ):- In Buur wax laga beeraa waa arrin hawsheeda iyo Culeyskeeda leh laakiin Mahamed Banaani oo u dhashay Dalka  Morocco ayaa waxa uu ku guuleystay in Buur aad u dheerayd uu u badalay Beer uu ka Beero Muuska, Mohamed ayaa warbixin uu siiyay Saxaafada Electronic ah ee Haspress ee ka soo baxda Dalkaasi oo Wargeyska Himilo tarjumay waxa uu ku yidhi “Geedkii ugu horreeyay waxaan ku beeray buurtaasi dusheeda sanadkii 1961kii ilaa iyo haatana waxaan ku dedaalaa inaan sii kordhiyo geedaha aan ku beero halkaasi, waxaanan beertaasi aan buurta ka dul sameeyay beerayay 56 sano, waxaanan hantiyay beer soo saartaa 700 oo Kg oo Muus ah Bil walba mar kastana waxaan ku dedaalaa in beertaasi ay kor u sii kacdo oo aan Muus intaasi ka badan soo saaro”.

Dad aad u badan ayaa booqda buurta uu ninkani ka beeray Muuska, waxaanay layaab ku noqotay Dadka arkay Buurtan aadka u dheer isla markaana aan ahayn mid siman ee uu Mr Banaani ku guuleystay inuu ka beero Beertaasi Muuska ah, Run ahaanti waa arrin ina tusinaysa in qofku haddii uu Go’aansado inuu wax soo saaro uu dhulka iska daaye Buuraha Dushooda la beeran karo.

Comments are closed