Nin Aan Muuqiisa Laga Garan Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Qabsaday Warbaahinta, Dalka Uu Ku Nool Yahay Iyo Madaxweyne Caan Ah Oo Arrinkiisa Ka Hadlay
Moscow 09. July 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan waxa ay si weyn u hadal hayaan qisada nin beeralay ah oo u dhashay waddanka Shiinaha kaasi oo muuqiisa aan la kala garan aadna ugu eg Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin taasina keentay in dadku si weyn u hadal hayaan sawirradiisana baraha xidhiidhka bulshada aad loogu qaadaa dhigay.
Shacabka ruushka iyo shiinuhuna si gaar ah u hadal hayaan.
Lo Yuan oo u dhashay waddanka Shiinaha ayaa ah nin beeralay ah oo da’diisa lagu sheegay 54-jir kaasi oo ku nool degaanka loo yaqaano Anhui oo ku yaalla badhtamaha waddanka Shiinaha kana soo jeeda qoys dhammaantood beeralay ah.
Lo Yuan ayaa sumcad iyo magac weyn ku helay muuqaalkiisa shabbaha Madaxweynaha Ruushka oo ay aad isugu eg yihiin.
wakaaladda wararka Ruushka ee Intarfax oo warbixintan wargeyska Foore kasoo xigtay ayaa tilmaamaysa in ninkan shiinaha ah iyo Madaxweyne Putin ay aad isugu muuqaal egyihiin si weyna loo arki karo isu ekaanshahooda dhinaca wajahadda foodda ee wajigooda ee ballaadhan, dhabannada iyo afdha dhuuban, dibnaha, indhaha buluugga ah iyo xataa dhererka iyo joogga oo ay aad isugu egyihiin.
Qisada ninkan shiinaha ah ee u muuqaalka eg Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa mar kale cirka isku shareertay toddobaadkan kadib markii Madaxweynaha waddanka Shiinaha oo booqasho ku marayay waddanka Ruushka wax laga waydiiyey ninkaasi beeralayda ah ee u muuqaalka eg Madaxweyne Putin oo uu isna ku jawaabay ama sheegay in uu warbaahinta ka arkay ninkaasi balse aanu aqoon u lahayn, arrinkaasina yahay mid xiiso leh isaga oo ku koobsaday in shucuubta Ruushka iyo Shiinuhu ay isu ekaan karaan. “Haa, waxa aannu wadaagnaa waxyaabo badan. Inkasta oo aannu dhinac xuduud ka leenahay muuqaalka dadkayaga iyo Ruushkuna aanay inta badan is shabbihin haddana isu ekaanshahani waxa uu muujinayaa in ay dadkani meel ka soo wada jeedaan” ayuu yidhi Madaxweynaha Shiinuhu.
Lo Yuan oo ah nin beeralay ah ayaa ah nin aan wali guursan oo doob ah waxaanu iska wataa noloshiisa caadiga ah ee hoosaysay isaga oo maalin walba wakhtigiisa ku qaata beer yar oo ay qoyskoodu leeyihiin oo uu kala soo baxo nolol maalmeedka. Waxase laga yaabaa in muuqaalkiisa u eg Putin uu u soo jiido sumac iyo magac uu ka halo warbaahinta taasi oo laga yaabo in ay dakhligiisa kor u qaaddo oo noloshiisa baddasho maadaama uu si weyn ugu muuqaal egyahay Madaxweynaha Ruushka oo ah nin aad dunida looga yaqaano.
Dadka muuqaalkoodu u egyahay dadka caanka ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey warbaahinta lagu arkayay iyada oo uu dalka Iiraan ku nool yahay nin aan laga garan ciyaaryahanka Lionel Messi halka uu dalka Ingiriiska kaga nool yahay nin aan muuqaalkiisa laga garan ciyaaryahanka Zlatan Ibrahimovic, halka uu dalka Turkiga kaga nool yahay nin aan laga garan hogaamiyihii naasiga Jarmalka ee Hitler, waxaanay dadkaasi sumcad, magac iyo lacag ku doonaan isu ekaanshaha ay dad caan ah u muuqaal egyihiin.