Fannaanka Nimcaan Hillaac Oo La Saftay Laab-saalax Iyo Khilaafka Xidigaha Geeska Oo Cirka Isku Shareeray
Hargaysa, 16 May, 2016-(SDN/QJ): –Fannaanka codka macaan ee Nimcaan Cabdiraxmaan Axmed (Hillaac) ayaa gaashaanka ku dhugtay maamulka cusub ee ay doorteen kooxda Xidigaha Geeska.
Nimcaan Hillaac ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in shir weynaha ay kooxda Xidigaha Geesku xilka kaga qaadeen Laab-saalax uu ku arkay Facebook, balse aanay cidina soo war-gelinin in shir jiro.
Fannaanku waxa uu intaas raaciyey in aan weli la gaadhin wakhtigii shir-weynaha Koox-faneedkooda, taas daraadeedna aanay kooxdu noqonaynin mid cid u afduuban.
Qoraalka uu facebook ku baahiyey oo dhamaystirani waxa uu u dhigan yahay sidan:
“Kooxda Xidigaha Geeska Waxaan ka mid ahaa Mudo 4 Sano ah,
mudadaasi kooxdu Waxay Lahayd Sharci Iyo Qawaaniin u Dajisan.
Waxaana Maamulaayay xubno kooxda ka mid ah oo xilka ku Qabtay Doorasho kooxdu u Dhantahay.
Hadaba Saaka Waxaan Facebook-ga ugu soo Toosay Shirwaynihii xidigaha oo Qabsoomay, Balse waxa is waydiin Mudan Miyaa La gaadhay wakhtigii Shirwaynaha 3aad ee Xidigaha Geeska jawaabtu Waa Maya
Sidaa Daraadeed Shirwaynaha la qabtay ma aha shir kooxda matalaaya ee waa shir shakhsiyaad matalaya. Cidkasta oo kooxda ka mida oo Xil jecela anagaa Soo Dhawaynayna.
Kooxduna Ma aha koox Cid u Af Duuban”