|

“Nimankaas Uu Madaxweynuhu Soo Magacaabay Annaga Nooma Jiraan Mana Aqoonsanine Gurigiisa Ha Geeyo Hadduu Doonayo” Xasan Xuseen Codyare

Hargeysa:20-Oct-2013 (SDN)-Labada Xisbi Mucaarid  ee UCID iyo Waddani ayaa dhaliil u soo jeediyay sharci darona ku tilmaamay Muddo kordhinta 2-da Sano ah ee uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siillaanyo u sameeyay Guddida Diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka, waxan ay sheegeen inaanay aqoonsanayn Guddidaas uu madaxweynuhu Magacaabay.

codyarexShir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u Wada Qabteen labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Waddani Maalintii shalay, ayey ku Canbaareeyeen Muddo kordhintii uu Madaxweynahu Labada Sano u kordhiyay Guddida Diwaangelinta ururaddii Siyaasadda ee golaha Wakiiladdu dhawaan ku daray Hay’addaha Sharci darada ah ee Wakhtigoodu dhamaaday,waxana labada Guddi hoosaad ee Isku Xidhka labada Xisbi ee UCID iyo Waddani si kulul u dhaliileen Tallaabada uu madaxweyne Siilaanyo ku ogolaaday inay sii jiraan Guddidani.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kordhin kasta oo loo sameeyo Guddida Diiwaangelinta ururada iyo axsaabta qaranka, “Waxa weeyaan waxa dhamaaday gabi ahaanba oo meesha ka baxay Guddida Diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka Sharcigoodii ay ku shaqaynaayeen ee golaha Baarlamaanka horyaalay ,waxana si toos ah sida uu Xeerku u qoraayaa waxa ay shaqadoodii iyo hawlahoodii ay hayeen  uu ugu wareegayaa Guddida Koomishanka Doorashooyinka Qaranka,” ayuu yidhi Cali Gurey.

 

Mu.j Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) waxa uu sheegay in Guddidani ay yihiin Qaar looga danleeyahay Naasnuujin iyo fulin Dano gaar ah oo Xukuumaddu leedahay, waxana uu yidhi, “ waxa ay baarlamaanku tilmaameen waa dhul dad lagu naasnuujinayo oo mushahar iyo miisaaniyad loogu qorayo, dhaqaalaha yar ee islaamaha faraqooda laga soo furaana kama Go’do in Rag lagu naasnuujiyo oo malaayiin doolar loo qoro”

Muj. Cali Gurey, waxa uu tilmaamay inaanay Axsaab Mucaarid ahaan aqoonsanayn Guddidaas uu madaxweynuhu muddo-kordhinta u sameeyey, waxana uu yidhi, “ waxba annaga nagama qaadayaan, ma ixtiraamayno, la shaqayn mayno, markaa Haddii uu mushahar iska siinayo niman meel iska fadhiya Taasi waa dambi cad.”

 

Sidoo kale Madaxa Hanti-dhawrka ee Xisbiga Waddan Xasan Xuseen Codyare oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inaanay Oggolaan Doonin in Guddidaas muddo kordhin loo sameeyo, waxana uu tilmaamay inay dhamaysteen Hawshoodii oo ahayd inay Ururadii is diiwaangeliyey kala reebaan, “Waxa ay labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID Maanta Halkan u fadhiyaan inay kaga hadlaan niman la yidhi waxa aad tihiin Guddida Diwaangalinta oo Xilkii ayaa loo kordhiyay, arintaasi sharciga ayay baal marsan tahay,run ayaynu isku sheegaynaa waxa weeyaan nimankan sharcigoodu Bishan-4-dii ayuu dhamaaday oo suuqa ayey Nimankani iska joogeen, Sharciguna waxa uu dhigayaa in laga bilaabo Maalintii Maxkamaddu dhaarisay oo mudo laba sano ah ayaa uu Xilku kaga dhamaanayaa, Nimankaas uu madaxweynuhu soo magacaabay annaga Nooma jiraan Mana Aqoonsanine Gurigiisa Ha Geeyo Hadduu Doonayo”  ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare.

 

Xasan Codyare oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “Sharciyan Muddo kordhintaasi waa khalad waayo gabi ahaanba Shaqadii dibada ayay uga baxeen oo xata Miisaaniyaddii Baarlamaanku way ka joojiyeen waxana ay ahayd oo la sugaayay in Xafiiskaasi shaqadiisi dhamaatay oo wax aliyaale wax looga baahan yahay in aanay jirin oo in ay Xafiiskoodu hawlahii uu hayay ay ku wareejiyaan Koomishanka qaranka ayuunba la filaayay.”

 

Axsaabta Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani, ayaa ku ad adag kana soo horjeeda muddo-kordhinta uu madaxweyne Siilaanyo u sameeyey Guddida Diiwaangelinta Ururrada, waxana ay sas ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo xataa haddiiba la aqbali lahaa. Xisbiyada mucaaradka ah ee waddani iyo ucid, ayaa iyagu haatan u muuqda kuwo u bislaaday siyaasadda dalka, waxana ay si wada jir ah cadaadis ugu hayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo intii hore lagu xaman jirey inay taageero ka haysato xisbigga waddani, base Hadda waxa ay xisbiyada mucaaradku hayaan dariiqii saxda ahaa ee xukuumadda majaraha loogu hayn lahaa.

 

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed