“Nimanka Musharraxiinta Ah, Waxaan Leeyahay Cod-baad Nagu Leedihiin, Ee Naguma Lihidin Inaanu Dhiig Idiin Daadino………” Axmed Yuusuf Yaasiin DAAWO
Hargaysa 13. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Marxaladda kala-guurka ah ee Dalku marayo iyo Salaadiinta kala taageersan Xisbiyada Qaranka.
Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu sheegay in Madax-dhaqameedka Somaliland yihiin kuwa haddii Dalka muran-Siyaasadeed ka dhaco Xallinaya, sidaas darteed looga Wanaagsan yahay inay ku dhex milmaan Xisbiyada Siyaasadda ee tartamaya.
Mudane Yaasiin oo u warramay Telefiishanka Somali News, ayaa tilmaamay in aanay wanaagsanayn in Madax-dhaqameedku ay si furan Warbaahinta uga muujiyaan Ololeyaasha ay ugu jiraan Xisbiyada, waxaanu yidhi “Salaadiintii way bateen, in dabar loo sameeyaana waa mid muhiim ah. Waxaad ahaydeen halkii loo iilan lahaa hadday wax yimaaddaan, Alle innaguma keeno’e, ee ka Gar-naqi lahaa, laakiin haddaad idinku hor-booddaan (waa khalad).”
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland wuxuu sheegay inuu ka xumaaday Salaadiin Boorama u tagay olole siyaasadeed iyo kuwo arrintaas mid la mid ah u tagay Burco “ Anigu waan ka xumaaday Salaadiintii tagay Boorama, kuwii tagay Burco-na waan ka xumaaday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey “Dadku Xod-xodosho wuu samayn karaa, laakiin in Warbaahinta lagaga dhawaaqo ma fiicna.”
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu farriin u diray Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka ee ku loolamaya Doorashada Madaxtooyada ee loo Qorsheeyay inay Somaliland ka dhacdo 1-ka bisha November ee sannadkan 2017-ka, haddii Alle yidhaahdo, waxaanu yidhi “Nimanka Musharraxiinta ah waxaan leeyahay Cod baad nagu leedihiin, ee naguma lihidin inaanu dhiig idiin daadino.”