Nikolas Kay oo ku baaqay in la dajiyo Xiisad uu sheegay inay u dhaxayso Somaliland iyo Puntland
16,Apr.2014(SDN/QJ)-Ergayga gaar ka ah ee u qaabilsan Qaramadda Niklos Key,ayaa waxa ugu baaqay Somaliland iyo Maamul goboleedka Somaliyeed ee Putland inay ilaaliyaan Xasiloonida iyo in la dajiyo Xiisad uu sheeay inay haatn ka oogantahay Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool oo ay shalay Milatariga Somaliland la wareegeen.
War qoraal ah oo Ergaygu ka soo saaray Xafiiskiisa Magaaladda Muqdisho,ayaa u dhignaa sida tan: “Waxaan ku baaqayaa in la muujiy o dheganaansho. Xaaladda laguma xalin karo hab ciidan. Dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal. Waana in ay sida oogu dhakhso badan u damiyaan buuqa jira/ ama u qaboojiyaan xaaladda. Waana in ay ku xalliyaan arrimahoodda si ay ku dheehantahay xasilooni, nabad iyo isu tanaasulid.
Dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in kufilan, waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan. Xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayuu yidhi Ergayga gaarka ah ee Qramada Midoobay u Qaabilsan Somalia.
SDN/QJ-Muqdisho,Somalia