|

Nigeria Oo Sare U Qaadeysa Warshadaheeda Hubka Soo Saara

Nigeria,9Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Dalka Nigeria Mahammadu Buhari Ayaa Sheegay In Uu Doonayo In Dalka Nigeria Uu Isku Filnaansho Ka Gaaro Dhanka Soo Saarka Hubka Kala Gedisan Oo Ay Isticmaalaan Ciidamada Militariga.

Buhari Ayaa Qorshihiisan Ku Shaaciyey Khudbad Uu Jimcihii Shalay Kasoo Jeediyey Akadamiyada Militariga Nigeria Ee Magalada Abuja.

Hogaamiyaha Nigeria Oo Xafiiska La Wareegay Dhamaadkii Bishii May Ayaa Horey U Sheegay Inuu Doonayo Inuu Isbedal Weyn Ku Sameeyo Awooda Ciidamada Nigeria, Wuxuuna Sheegay In Loo Baahan Yahay Isbedal In Lagu Sameeyo Warshadaha Hubka Ee Nigeria Oo Sanadihii Lasoo Dhaafay Uu Wax Soo Saarkooda Hoos U Dhacay.

Dalka Nigeria Ayaa Kamid Ahaan Jiray Wadamada Hubka Soo Saara Ee Afrika, Balse Sanadihii Lasoo Dhaafay Ayey Warshadahaasi Noqdeen Kuwo Hoos U Dhac Ku Yimaada, Waxayna Hada Soo Saaran Oo Kaliya Hubka Fudud.

Buhari Ayaa Doonaya In Dalka Nigeria Uu Ka Kaaftoomo Hubka Uu Dibada Kala Yimaado, Wuxuuna Sheegay Inuu Wasaarada Gaashaandhiga Nigeria Amar Ku Siiyey Inay Soo Diyaariso Qorshaha Cusub Ee Warshadaha Hubka Soo Saara Sare Loogu Qaadayo.

Comments are closed